Faah-faahin: Ragii Ka Dhanbeeyay Toogashadii Wasiiru Dowlaha Dekedaha Puntland Oo Gacanta Lagu dhigay

0

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan dhaawac soo gaaray wasiiru dowlihii dekedaha maamulka Puntland ayaa ku warayamaya in gacanta lagu soo dhigay ragii ka danbeeyay weerarka wasiirka.

Ciidanka Amaanka gobolka Bari ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen dabley hubaysan oo magaalada Bosaso ku dhaawacay Wasiiru dowlihii wasaaradda dekaddaha maamulka Puntland Axmed Saciid.

Raggaan hubaysan ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday wasiir udowlaha, kaasoo haatan xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo mid kamid ah Isbitaalada waaweyn ee ku yaal gudaha magaalada Boosaaso.

Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho oo Xiriiro la sameysay saraakiisha Amniga Puntland si ay wax kaga weydiso xaalada caafimaad ee Wasiiru dowlaha wasaaradda dekaddaha maamulkaasi ayaa ka gaabsaday iney inooga war bixiyaan, inkastoo ay sheegeen iney wasiiru xaaladiisa soo hagaageyso.

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu dhaawacay wasiiru dowlaha dekedaha Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here