Dowladda Iyo QM Oo Iska Kaashanaya Shaqo u Abuurista Dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Dowladda Somaaliya iyo madax ka socota Qaramada midoobe kuwaas oo ka hawl-gala gudaha caasimada muqdisho ayaa iska kaa shanaya horumarinta iyo xalinta dhibaatooyinka soo wajaha dhalinyarada ku barakacday gudaha dalka.

Achim Steiner, oo ah madaxa fulinta hay’adda UNDP ayaa kula taliyay dhalinyarada in ay yeeshaan hal-abuur si ay u hor mariyaan xirfadahooda shaqo.

Waxaan sameenaa taageero farabadan lkn waxaan jecelnahay ayaa ah in inta badan dadka aan u shaqay nayno aad adiga noqotaan sababtoo ah haddii aan adinka idinku guulaysano waxaan ku guulaysan karnaa Somalia oo idil, sidaasna waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay UNSOM

Mark Lowcock, oo ah madaxa qaramada midoobe u qaabilsan gargaarka bini’aadan nimo ayaa sheegay in aysan jirin wadan jecel in uu ku tiirsanaado deeqo uu wadamo kale kahelo lkn ay tahay in wadan walba ay u kacdo dhalintiisa sidii ay horumar la taaban karo u gaarsiin lahaayeen.

Madxwayne ku xigeenka World Bank’ga Mahmoud Mohieldin ayaa sheegay in fursadaha ugu badan dhalinta soomaaliyeed ay u mariyaan dowladda waxa uuna sidoo kale sheegay in ay sameeyaan ganacsiyo kuwaas oo ay si toos ah u maamusho dowladda Somaaliya asagoona sidoo kale sheegay Madxwayne ku xigeenka World Bank’ga Mahmoud Mohieldin in uu ku faraxsan yahay in  $10 million ay ku bixiyeen deeqahii ugu dambeeyay ay soomaalia siiyaan.

Dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay dowladda Somaaliya ayaa shaqo abuur u sameesay 1000 dhalinyaro kuwaas oo kakala imaanayay 17 degmo ee caasimada dhalinyaradaas oo iskugu jira rag, haween, iyo dadka baahiyada gaarka ah qabo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here