Isticmaalka Shabakada Facebook oo Hoos u Dhacay (Ogow Sababta)

0

Mark Zuckerberg oo ah Asaasaha Facebook ayaa sheegay in isbedela lagu sameeyay qaabka daalacashada wararka ee Facebook-ga ay sababtay inuu hoos u dhac ku yimaado dadka isticmaala.

Milkiilaha Facebooga Mark Zuckerberg ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la qaado tallaabooyinkaasi, si bu yiri loo wanaajiyo isticmaalka Facebook ee mustaqbalka dhaw.

“Hadii aad tahay qof badanaa isticmaala Facebook, waa hubaal in aad aragtay isbedel ka muuqda bogga horee ee wararka lagu soo bandhigo oo muuqaaladii video ahaa ku yaraaden” Ayuu yir Mark Zuckerberg

Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in Arintaa ay shirkaddu ugu talo gashay,waana mid ay shabakaddu ku doonayso in ay ku nadiifiso boggaa hore ujeedaduna waxa weeye in halkii wararku buuxin lahaayeen loo baneeyo in ay qaado xogo ku haboon xubnaha qoysaska iyo asxaabta ku xidhiidha bartaas.

Waa tallaabo si dhakhso ah loo dhaqan gelinayo, Facebook oo dadka shabakadeeda adeegsada bishiiba kor u dhaaafeen laba bilyan oo qof oo wadar ahaan wakhtiga ay isticmaalaan shabakaddu bulshada isugu imaato oo hoos u dhacay konton milyan oo saacadood maalintii.

Maraykanka iyo Canada ayaa tirada dadka maalintii isticmaala shabakaddu markii ugu horraysay hoos ugu dhacday boqol iyo afar iyo sideetan milyan, halka ay sannadkii hore maalintiiba isticmaali jireen boqol iyo shan iyo sideetan milyan oo qof.

In kasta oo ay faa’iidada shirkaddu heshaa boqolkiiba koobiyo lixdan korodhay ahaa hadana maalgashadeyaashu aanay weli kalsooni badan ku qabin oo waxa qiimaha saamiyada shirkaddu haatan hoos ugu dhaceen boqolkiiba shan markii ay go’aankan shacisay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here