Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiwali Jaamac Warsame Gorod ayaa ka tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod,ayaa Ehalada iyo asxaabta iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qarax uu geystay askari katirsanaa Ciidamada Dowlada oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo saakay ka fuliyay Dugisga tababarka Generaal Kaahiye,isagoo sidoo kale dadkii ku dhawaacmay Eebe uga baryay inuu si dhibyar ugu boogo dhayo.
wasiirka arimaha dibada Somaaliya yuusuf garaad oo bartiisa rasmiga ee facebook soo dhigay war qoraal ah ayuu ku sheegay Ciidamadii maanta qaraxa lala eegtay iney ka geeriyootay 17 askari halka 17 kale ay ka dhaawacmeen waxuuna tasi u diray ehelada iyo asxaaptii askartaasi ay ka baxeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayay ku sheegtay in qarax ay ku beegsatay ciidamo katirsan kuwa Boolis Somaaliya xilli ay safaf dhaadheer kujireen gudaha Xerada Jeneraal Kaahiye, halkaasina ay ku dileen ku dhawaad 30 askari oo kamid ahaa Ciidamada Booliska Somaaliya.
Qarax uu isku soo xiray Is-miidaamiyaha ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaaliyeed oo goobtaasi ku sugayey inay gudaha u galaan Dugsiga Booliska Jenaral Kaahiye oo ay ka socotay diyaar-garowga xuska maalinta asaaska ciidamada booliska oo maalmo kooban ay naga xigaan.

