Wax ka Ogow Sababta loo Baajiyay Ciyaar Galabta Dhex Mari Laheyd Jubbaland iyo Galmudug

0

Kulan dhax maray golaha wasiirada xukuumada somaaliya ayaa la sheegay in lagu baajiyay kulankii dhax mari lahaa Maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo ka kheyb ahaa tartanka kubada cagta ee Gobalada dalka oo maal mahii danbe ka soconayay Magaalada Muqdisho.

Kooxaha Ciyaartoyda ee ka kala socday Jubbaland iyo Galmudug ayaa lagu wargeliyay inay baaqatay ciyaartii  galabta dhax mari laheyd oo aheyd ciyaartii u dambeysay ee Group-ka A.

Waxaa sido kale aysan golaha wasiirada shaacin goorta uu dib u furmi doono balse wararka qaar ayaa sheegaya iney u badan tahay iney dheelaan maalinta jimcaha oo ay ku balansanayeen iney iska hor imaadaan Ciyartooyda ka kala socota maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed.

Mid kamid ah Ciyaartooyda laba Maamul oo la hadlay Radio Simba ee Magaaladda Muqdisho Ayaa inoo sheegay jiri taanka in lagu war galiyay iney baaqatay kulanka maanta dhici lahaa

“Waxaa nasoo wacay tababaraheena waxuuna noo sheegay in la baajiyay kulankii dhax mari lahaa Galmudug iyo Jubbaland” sida Simba u sheegay mid kamid ah Ciyaartooydii galabta balansaneyd .

Baajinta kulankii dhax mari lahaa Kooxaha Ciyaartoyda ee ka kala socday Jubbaland iyo Galmudug ayaa kusoo beeg maya qarax qasaare geystay oo lala eegtay Ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaaliya oo ku sugnaa Dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye ee Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here