Xidigii Hore ee xulka dalka Brazil Ronaldinho oo saxaafada la Hadlay ayaa aaminsan in laacibka kooxda Barcelona Neymar uu noqon doono Hogaamiyaha dhabta ah ee xulka dalka Brazil .
Laacibka kooxda Barcelona Neymar ayaa xulkiisa dalka Brazil markii ugu horeysay u saftay isagoo jira 18-sano haatan wuxuu u dhaliyay 46-goal 69-kulan uu kasoo muuqday tan iyo xiligaas.
23-jirkaan ayaa xulkiisa dalka Brazil u xirtay Numberka 10-aad oo ay caan ku ahaayeen xidigaha Ronaldinho, Rivaldo, Zico iyo Pele. Oo wacdaro ka dhigay xulka dalka Brazil xiliyadii ay u ciyaarayeen,
Dhanka kale Ronaldinho ayaa ka Hadlay cida uu u saadaalinayo ku guuleysiga abaalmarinta 2015 Ballon d’Or. Wuxuuna sheegay in In uusan cidna u sadaalin Karin Neymar Lionel Messi iyo laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo cida ku guuleysan karta abaalmarinta

