Ronaldinho : Neymar Waa Hogaamiyaha Xulka dalka Brazil

0

Xidigii Hore ee xulka dalka Brazil Ronaldinho oo saxaafada la Hadlay ayaa aaminsan in laacibka kooxda Barcelona Neymar uu noqon doono Hogaamiyaha dhabta ah ee xulka dalka Brazil .

Laacibka kooxda Barcelona Neymar ayaa xulkiisa dalka Brazil markii ugu horeysay u saftay isagoo jira 18-sano haatan wuxuu u dhaliyay 46-goal 69-kulan uu kasoo muuqday tan iyo xiligaas.

23-jirkaan ayaa xulkiisa dalka Brazil u xirtay  Numberka 10-aad oo ay caan ku ahaayeen xidigaha Ronaldinho, Rivaldo, Zico iyo  Pele. Oo wacdaro ka dhigay xulka dalka Brazil xiliyadii ay u ciyaarayeen,

Dhanka kale Ronaldinho  ayaa ka Hadlay cida uu u saadaalinayo ku guuleysiga abaalmarinta 2015 Ballon d’Or. Wuxuuna sheegay in In uusan cidna u sadaalin Karin Neymar Lionel Messi iyo laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo cida ku guuleysan karta abaalmarinta

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here