Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo Gaaray Magaalada Kismaayo

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa Maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose iyadoona Halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa saacadaha soo socda Magaalada Kismaayo Kula kulmi doona Madaxda Maamulka Juba-land iyagoona kala Hadli doona arimaha dhanka ciidanka iyo sidii loo Hormari Lahaa

Dhanka kale Taliyaha Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa isla Maanta La filayaa in uu gaaro xeryaha ay ku jiraan Ciidamada isku dhafka ah ee lagu tababaraayo Kismaayo.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ayaa mudooyinkii dambe waday socdaalo uu ku Tagayay qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here