Madaxweynaha Maamulka Jubaland Oo Gaaray Magaalada Jowhar + Sawirro

0

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.,waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo qaar kamid ah Mas.uuliyiinta Maamulka Hirshabeele.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ujeedka ay halkaasi ay u gaareen waxuu yahay ka qeyb galka Caleema-Saarka Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeele.

isla maanta Xubnaha Jowhar gaaray waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, iyo puntland.

Sidoo kale Magaaladda Jowhar ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here