Madaxda Maamul Goboleedyadda oo Gaaray Magaaladda Jowhar+Sawirro

0

Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle waxaa gaaray qaar kamid ah Madaxda Maamul goboledyadda kuwaasi oo ka qeyb galaya xafladda Caleema-saarka madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Xubnaha Jowhar gaaray waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxaa kaloo tegay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaliya Cabdi Xaashi C/laahi.

Sidoo kale Magaaladda Jowhar ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here