Hooyo loo xiray diidmo ay diiday in wiilkeeda la talaalo

0

Hooyo ku sugan gobolka Michigan ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay toddobo maalmood oo xabsi ah ka dib markii ay diiday amar maxkamadeed oo oo ahaa in ay wiilkeeda tallaasho.

Rebecca Bredow ayaa markii hore ninkeeda ku waafaqday tallaalka, balse markii dambe diiday in wiilka ay dhashay loo tallaalo.

Ninkeedii hore ayaa si ku meelgaar ah loogu xukumay in uu wiilka hayo wakhtiga intiisa badan xurahama talaalkana geeyo.

Waalidiinta gobolka Michigan ayaa si sharci ah loogu ogol yahay in ay carruurta tallaalka ka baajiyaan ama dib u dhigaan waxyaabo ay rumaysan yihiin awgeed.
Laakiin hooyadan gafka ay gashay ee loo xiray ayaa ah in ay ka soo bixi wayday heshiis ay ninkeedii hore la gashay sanadkii 2016kii.

Hooyadan oo labo carruur ah dhashay ayaa Arbacadii lagu helay amardiido maxkamadeed ka dib markii ay jabisay amarkii tallaalka wiilkeeda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here