Ciidamo Katirsan Xarakada Al-shabaab Ayaa saaka aroortii Mar kale weerar qorsheysan ku qaaday Fariisimo Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ay Ka sameysteen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose.
Dagaaal Saacado Badan qaatay ayaa halkaa ku dhax maray Ciidamadii Dowlada Soomaaliya katirsanaa iyo dagaaal yaha Al-shabaabka ee Weerarka Soo qaaday.
Dadka degaanka oo ay Idaacada Simba Xiriiro la sameysay ayaa u sheegay iney maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada alshabaabka ee weerarka soo qaaday iyo kuwa dowlada soomaaliya oo halkaa ku sugnaa, balse waxey ka gaabsadeen iney faa faahino ka bixiyaan qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii degaanka bariire maanta ku dagaalamay.
Dhanka kale maamulka degaanka bariire oo aynu Xiriiro la sameynay ayaa ka gaabsaday iney ka war bixiyaan weerarka la sheegay in lagu qaaday fariisimo Ciidamada Dowlada ay ku ahaayeen degaaankaasi.
Todobaad ayaa laga joogaa weerarkii qasaaraha ba,an sababay ee jimcihii aynu soo dhaafnay lala beeegsaday fariisimo Ciidamada dowlada ay ku lahaayeen degaanka bariire ee gobalka Shabeelada Hoose

