6 Ruux oo Laga Afduubtay degaanka Cali Fool-dheere

0

Kooxo Hubeysan ayaa ilaa 6 qof ka afduubtay deegaanka cali fooldheere ee gobalka Shabeelada Dhaxe.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaan oo kamid ahaa dadka degaanka ay qafaasheen Dabley hubeysan, kuwaa oo la sheegay in ay la aadeen dhanka Galbeedka magaalada Jowhar ee Gobalka Shebeelada dhaxe.

Mid kamid ah dadka degaanka oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay in dableeyda Afduubka ka Geysatay deegaanka ay wateen Gadiid dagaal inta aysan magaalka so galina ay ridayeen rasaaas.

Ma cadda Cidda ka dambeysa Afduubka 6 ruux loo geestay iyo sababaha ka dambeeya Afduubkooda, walina wax War ah kama so bixin maamulka dagmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelada Dhaxe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here