Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerar lagu dilay qof shacab ah, laguna dhaawacay taliye ku xigeenkii Saldhiga Baalade C/raxmaan Barre Saalax.
Weerarka ayaa ka dhacay Maqaayad shaah laga cabo oo ku taala gudaha magaalada Boosaaso, waxaana Kooxdii Weerarka soo qaaday ay ka baxsadeen goobta. Kooxda Daacish ayaa ka mid ah Kooxaha ay dagaalka kula jirto Maamulka Puntland, kuwaas oo ku Ku Sugan Buuralayda degmada Qandala ee gobolka Bari.
Laamaha amniga Puntland ayaan illaa iyo hadda ka hadlin qofka rayid ah ee xalay ka dilay iyo Sarkaalka la beegsaday Boosaaso.
Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso beegamaya xilli laamaha amniga ay maalmihii ugu dambeeyay hawlgalo amaanka kor loogu qaadayo ka wadeen Boosaaso.

