Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hir-Shabeelle Zaki Cabdi Xaraare oo u waramay Idaacada Simba ayaa Sharcidaro ku tilmaamay qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Maamul Gobaleedyada ay ugu qeybisay Miisaanida Sanadeedka 2017-ka oo dhawaan la hor geeyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya aysan waxa la tashi kala Sameyn Maamulka Hir-Shabeelle qaabka dajinta Miisaaniyada ay Dowladda u qoondaysay Maamulada Dalka ka jira wuxuuna sheegay in aan la aqbali doonin Lacagta kaga soo aaday Miisaaniyadda Dowladda Dhexe.
Sidoo kalewuxuu Ugu baaqay Shacabka Maamulka Hir-Shabeelle inay il gaar ah ay ku hayaan Qorshada Dowladda Dhexe ee ku Wajahan Deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle.
Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maamulka Hir-shabeelle u qoondeysay 700 kun oo dollarka Maraykanka ah, waana maamulka ugu hooseeya lacagaha loogu talagalay Maamul goboleedyadda dalka xiligaan ka jira.

