Taliye Is-casilay Kadib Dilkii uu Geystay Askari Soomali Mareykan

0

Waxaa goor sii horeysay shaacisay in ay iscasishay Taliyaha ciidanka booliska magaalada Minneapolis  ee dalka Mareykanka Janee Harteau kadib cadaadis la saaray.

Janee Harteau  sababta ay isku cashishay ayaa lagu sheegay in Maxamed Nuur oo ka tirsan booliska Minneapolis uu u geystay dil haweenay caddaan ah oo Ausralia u dhalatay. Dilka haweenaydan ayaa xiisad badan ka dhex-abuurtay booliska Minneapolis.

Taliye Harteau oo warbaahinta kula hadashay magaalada Minneapolis waxa ay sheegtay in ay go’aansatay ka tagista shaqada, kadib cadaadis joogto ah ay kala kulantay dowladda Mareykanka, waxayna sidoo kale sheegtay in  dilkii lagu eedeeyay Maxamed  ay keentay in iyada  si joogto ah cadaadis ay kala kulanto dowladda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here