Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali (Cismaan Dheere) oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Dowlada Soomaaliya ka Dalbaday inay Maamulka Galmudug ka Taageerto sidii uu Ciimadamo u gayn lahaa Deegaanka Xeeraale oo ay ku Dagaalamayaan Maamulka Ahalusuna iyo dadka deegaankaasi.
Wasiirka ayaa Sheegay ay ka go’an tahay in la joojiyo dagaalka maalmaha qaatay ee ka socday Deegaanka Xeeraale islamarkaana ay Dowlada Federaalka ay ka sugayaan inay ka qeyb qaadato sidii deegaankaas loo geyn lahaa Ciidamo kala Dhexgala dhinacyada dagaalamaya.
Cismaan Dheere ayaa tilmaamay in Madaxda Sare Maamulka Ahalusuna inay kula Xisaabtamayaan ku dhawaad 30-Ruux oo ku dhimatay Dagaal muddo Labo Maalin ah ka socoday Deegaanka Xeraale ee Gobalka Galgaduud Madaama Sida uu Xusay Ciidamadoodu ay Weerar ku qaadeen dadka deegaan Xeraale oo la daalaa-dhacayey Xaalad Adag oo dhanka Noollosha ah.

