Hir-Shabeelle:-“Ma Aqbalayno Qaabka Loo Qeybiyay Miisaaniyadda Sanadkaan”,+Dhageyso

0

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hir-Shabeelle Zaki Cabdi Xaraare oo u waramay Idaacada Simba ayaa Sharcidaro ku tilmaamay qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Maamul Gobaleedyada ay ugu qeybisay Miisaanida Sanadeedka 2017-ka oo dhawaan la hor geeyey Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya aysan waxa la tashi kala Sameyn Maamulka Hir-Shabeelle qaabka  dajinta Miisaaniyada ay Dowladda u qoondaysay Maamulada Dalka ka jira wuxuuna sheegay in aan la aqbali doonin Lacagta kaga soo aaday Miisaaniyadda Dowladda Dhexe.

Sidoo kalewuxuu Ugu baaqay Shacabka Maamulka Hir-Shabeelle inay il gaar ah ay ku hayaan Qorshada Dowladda Dhexe ee ku Wajahan Deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maamulka Hir-shabeelle u qoondeysay 700 kun oo dollarka Maraykanka ah, waana maamulka ugu hooseeya lacagaha loogu talagalay Maamul goboleedyadda dalka xiligaan ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here