Ururka Daacish oo Xoolaha Ka Dhaca Dadka Degmada Qandala

0
An image grab taken from a propaganda video uploaded on June 11, 2014 by jihadist group the Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL) allegedly shows ISIL militants gathering at an undisclosed location in Iraq's Nineveh province. Militants took control of the Iraqi city of Tikrit and freed hundreds of prisoners today, police said, the second provincial capital to fall in two days. AFP PHOTO / HO / ISIL-/AFP/Getty Images

Wararka ka imaanaya degaanada hoosyimaada degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Daacish ee deeganadaas ku xoogan in ay bilaabeen in ay dadka reer guuraaga ah xoolaha ka dhacaan,waxaana la sheegay in haatan dadka reer guuraaga ah kala carar ku jiraan,sida uu warbaahinta u sheegay mid kamid ah dadka reer guuraaga ah eee degaankaasi ku nool.

Waxa uu Sheegay in dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay dagaalyahanada Daacish ay dadka reer Guuraaga ay isugu yeereen islamarkaana ay ku wargaliyeen in xoolahooda laga doonayo in ay wax ka bixiyaan, xiliyadana qaarna ay Daacish ku dhaqaan in ay iska qashaan xoolaha iyagoo aan amar ka haysanin Shacabka deeganadaas ku nool.

ugu dambeyntii Dadkaan ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland iyo kan Gobolka bari in ay ka hadlaan dhibaatooyinka dagaalyahanada Daacish ay ku hayaan Shacabka degaannaada hoosyimaada degmada Qandalaee gobolkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here