Xildhibaan Prof-Maxamed Cumar Dalxa oo soomaaliya ku Matala Kuraasta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta islamarkaana kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaliya ayaa sheegay Wadamada Carabta ay Sanad walba Soomaaliya Siiyaan Deeqo Waxbarasho oo ah Heerarka kala duwan Jaamacada isla Markaan lacagtooda uu Bixiyo Bankiga Islaamka oo ka mid ah meelaha Soomaaliya ay Caawinaada ka hesho.
Xildhibaan Dalxa ayaa Sheegay in Deeqahaas Soomaaliya in loo soo Marsiiyo Wasiiirada Maaliyada Hase ahaatee aysan u Maamulin Habkii loogu talo galay islamarkaana ay Musuq-maasuqaan Shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan Madaxda Dowlada Soomaaliya.
Waxa uu Sheegay Xildhibaan Prof-Maxamed Cumar Dalxa in qaar kamid ah Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya in qaar kamid ah qoysaskooda ay waxbarasho ugu diraan dalka dibadiisa iyagoo ku takrifalaayo deeqaha waxbarasho ee wadamada Jaamacadda ay ugu Talageen Shacabka Soomaliyeed.

