Wasirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti ayaa ka hadlay mowqifka Somali-land ee ku aadan xurgufta Siyaasadeed ee ka dhaxeysa Dowladaha Jabuuti ee Eritariya.
Waxa uu Sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire in Maamulkiisa uu garab taagan yahay Dowladda jamhuuriyadda Jabuuti, oo xaduud ay la wadaagaan, wuxuu sidoo kale tilmaamay wixii dhibaato ku timada dalka Jabuuti iyo Soomaliland hiil iyo hooba ee ay awoodaan la barbar taagno.
Dhanka kale,mar su’aal la waydiiyey wasiirka oo ku saabsan wada hadaladii uu Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey ayuu sheegay in ay dhawaan dib u bilaabmi doonan wada hadalkii labadda dhinac ee sanadkii 2012 u bilaabmay, wuxuuna rajo wanagsan uu ka muujiyay in Dowladda Soomaliya iyo Maamulka Somali-land ay guulo ka gaaraan wada-hadalka bilaabi doona.

