
Wararka ka imaanaya degaanada hoosyimaada degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Daacish ee deeganadaas ku xoogan in ay bilaabeen in ay dadka reer guuraaga ah xoolaha ka dhacaan,waxaana la sheegay in haatan dadka reer guuraaga ah kala carar ku jiraan,sida uu warbaahinta u sheegay mid kamid ah dadka reer guuraaga ah eee degaankaasi ku nool.
Waxa uu Sheegay in dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay dagaalyahanada Daacish ay dadka reer Guuraaga ay isugu yeereen islamarkaana ay ku wargaliyeen in xoolahooda laga doonayo in ay wax ka bixiyaan, xiliyadana qaarna ay Daacish ku dhaqaan in ay iska qashaan xoolaha iyagoo aan amar ka haysanin Shacabka deeganadaas ku nool.
ugu dambeyntii Dadkaan ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland iyo kan Gobolka bari in ay ka hadlaan dhibaatooyinka dagaalyahanada Daacish ay ku hayaan Shacabka degaannaada hoosyimaada degmada Qandalaee gobolkaas.
