Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaliya oo Meel Mariyay Nidaamka  Siyaadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya+ Dhageyso

0

Golaha Wasiirada ayaa Maanta kulankooda Khamiis laha ahaa waxa ay ku yeeshteen Magaalada Muqdisho iyadoona shirka Golaha wasiirada uu shir Gudoominayay wasiirka Amniga  gudaha xukuumada Soomaliya  Cabdirisaaq Maxamed Cumar.

Golaha wasiirada ayaa kulankooda Maanta ku meel mariyay Nidaamka  siyaadda arrimaha Dibadda Soomaaliya taas oo ay soo gudbisay  wasaaradda arimaha Dibadda iyo Dhiirigalinta Maalgashiga  si loo adkeyeyo Xariirka  Dowladda Somaaliya kale dhexeya  Dowladaha iyo Ururadda Calamiga ah.

Shirka Markuu soo dhamaaday waxaa saxaafada la Hadlay Afhayeenka Xukuumada soomaliya Cabdi salaan  Axmed Caato isagoona saxaafada kaga warbiyay Kulanka Golaha wasiirada waxa loogu Hadlay.

Dhanka  kale Wasiirka  Wasaaradda Badroolka iyo Macdan ee Xukumadda Soomaaliya  ayaa   Golaha wasiirada xukuumada soomaliya   u gudbiyey  sharciga diiwan galinta shidaalka Soomaaliya,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here