Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Dec, 10, 2015 Safaaaradda Turkiga ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya  waddanka Soomaaliya Baker Olgan.

Kulanka oo ahaa kulan quraac sharafeed ah oo  uu u sameeyey Safiirku Madaxweynaha oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland ayaa madaxweynaha iyo safiirku waxay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira horumarka Puntland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga warbixiyey Safiirka Turkiga Xaaladda Guud ee Dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland maadaama waddanku uu kujiro xaalad kala guur ah oo dhowaan waddanku uu wajihi doono doorashooyin, isagoona sidoo kale u gudbiyey Safiirka Turkiga Aragtida Puntland ee ku qotonta hannaanka doorashooyinka dalka  2016.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka kala hadlay mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo sidii Puntland qaybteeda ay uga heli lahayd si caddaalad ah maadaama Safiirku uu hore  safar ugu tegey Puntland uuna u sameeyey ballan qaadyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marti-qaad ugu sameeyey safiirka inuu yimaado Puntland si loo dar-dar geliyo Mashaariicdaasi horumarineed ee ay ka midka yihiin dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha, maal gashiga maal-qabeenada Turkiga ee Puntland iyo Kobcinta Xirfadlayaasha Beeraha Iyo Kalluumaysiga.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Baker Olgan ayaa geestiisa ku ammaanay Madaxweynaha  Puntland Tallaabooyinka wax ku oolka ah eek a qaaday dhanka horumarinta Puntland, Adkaynta Nabad-gelyada doorkii uu kaqaatay Nabadayntii Shaqaaqadii kadhacday Gaalkacyo, welibana  Ballan qaaday inuu dar-dar gelinayo fulinta Mashaariicdaasi horumarineed isla mar ahaantaasna uu imaan doono Puntland dhowaan  si’uu isha ugu hayo hirgelidda Mashaariicdaasi.

Safiirka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Puntland  marti-qaad rasmi ah ugu sameeyey shirka  lagu qaban doono waddanka turkiga oo looga hadlayo arrimaha soomaaliya maadaama uu xiriir wanaagsani ka dhexeeyo madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Turkiga.

Safiirka ayaa sidoo kale marti-qaad ugu sameeyey Maal-qabeenada Puntland ay ku tagaan  waddanka Turkiga si’ay xiriir ganacsi oo wanaagsan u yeeshaan ganacsatada Puntland iyo Ganacsatada Turkiga isla markaasi maal-gashiyo kala duwan ganacsatada Turkigu uga samaysan lahaayeen Puntland.

IMG_6657 IMG_6659 IMG_6662 IMG_6666 IMG_6671 IMG_6675

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here