Golaha Wasiirada ayaa Maanta kulankooda Khamiis laha ahaa waxa ay ku yeeshteen Magaalada Muqdisho iyadoona shirka Golaha wasiirada uu shir Gudoominayay wasiirka Amniga gudaha xukuumada Soomaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar.
Golaha wasiirada ayaa kulankooda Maanta ku meel mariyay Nidaamka siyaadda arrimaha Dibadda Soomaaliya taas oo ay soo gudbisay wasaaradda arimaha Dibadda iyo Dhiirigalinta Maalgashiga si loo adkeyeyo Xariirka Dowladda Somaaliya kale dhexeya Dowladaha iyo Ururadda Calamiga ah.
Shirka Markuu soo dhamaaday waxaa saxaafada la Hadlay Afhayeenka Xukuumada soomaliya Cabdi salaan Axmed Caato isagoona saxaafada kaga warbiyay Kulanka Golaha wasiirada waxa loogu Hadlay.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Badroolka iyo Macdan ee Xukumadda Soomaaliya ayaa Golaha wasiirada xukuumada soomaliya u gudbiyey sharciga diiwan galinta shidaalka Soomaaliya,

