Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Puntland oo ku eedeeyay Madaxda Dowlada In ay Hurinayaan Colaada Gaalkacyo

0

Mid kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa ku eedeeeyay Madaxda Dowlada Soomaliya In ay ka dambeeyaan  colaada ka Taagan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-dareed oo ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in Madax ka Tirsan dowlada soomaliya  ay Hurinayaan colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Cabdixakiim Dhooba-dareed  oo dhawaan u Tartamay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntalnd ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada soomaliya in ay gacmaha kala baxaan Colaada ay ka hurinayaan Magaalada  Gaalkacyo Gobolka Mudug.

Dhanka kale Dowlada Soomaliya oo dhankeeda ka Hadashay colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ugu baaqay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay xal ka gaaraan dagaalada Magaalada Gaalkacyo,

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here