Mid kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa ku eedeeeyay Madaxda Dowlada Soomaliya In ay ka dambeeyaan colaada ka Taagan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-dareed oo ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in Madax ka Tirsan dowlada soomaliya ay Hurinayaan colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Cabdixakiim Dhooba-dareed oo dhawaan u Tartamay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntalnd ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada soomaliya in ay gacmaha kala baxaan Colaada ay ka hurinayaan Magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug.
Dhanka kale Dowlada Soomaliya oo dhankeeda ka Hadashay colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ugu baaqay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay xal ka gaaraan dagaalada Magaalada Gaalkacyo,

