Sawiro: Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed oo Kormeero ku Tagay Xeryaha Ciidamada dowlada ee Kismaayo

0
User comments

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa maanta Kormeero shaqo ku Tagay xarumaha ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose

Meelaha uu booqday Taliyaha Ciidamada xoogga dalka soomaliyeed Maxamed aaden axmed waxaa kamid ah Dekedda weyn ee Kismaayo, xarumuhii Ciidanka Badda Soomaaliya ee yaalay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose iyo xarunta Akadeemiyada Magaalada Kismaayo  oo dhawaan lagu xareeyay ciidamo ka Tirsan  kuwa Daraawishata Maamulka Juba-land iyo kuwa dowlada soomaliya.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Xooga dalka soomaliyeed ayaa Dardaaran u jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee ku xareysan xarunta Akadeemiyada Magaalada Kismaayo  isagoona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan danaha shacabka, isla markaana ilaaliyaan xaquuqda Bani’daamka.

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here