Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa maanta Kormeero shaqo ku Tagay xarumaha ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose
Meelaha uu booqday Taliyaha Ciidamada xoogga dalka soomaliyeed Maxamed aaden axmed waxaa kamid ah Dekedda weyn ee Kismaayo, xarumuhii Ciidanka Badda Soomaaliya ee yaalay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose iyo xarunta Akadeemiyada Magaalada Kismaayo oo dhawaan lagu xareeyay ciidamo ka Tirsan kuwa Daraawishata Maamulka Juba-land iyo kuwa dowlada soomaliya.
Dhanka kale Taliyaha ciidamada Xooga dalka soomaliyeed ayaa Dardaaran u jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee ku xareysan xarunta Akadeemiyada Magaalada Kismaayo isagoona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan danaha shacabka, isla markaana ilaaliyaan xaquuqda Bani’daamka.








