Dowlada Soomaliya oo Soo dhawaysay Xafiiska Cusub ee Qaramada Midoobay

0

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlada soomaliya Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta la Hadlay ayaa  sheegay in dowlada soomaliya  ay soo dhaweynayso xafiiska cusub ee qaramada Midoobe

Wasiir Maareeye ayaa Tilmaamay in xukuumada soomaliya ay aad u soo dhaweynayso is badalka lagu sameeyay xafiiskii qaramada ee ku Yaalay Magaalada Muqdisho kaasi oo loo badalay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye  wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in Tani ay adkeenayso xiriirka u dhaxeeya dowlada soomaliya iyo qaramada Midoobe.

Golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2245, kaasi oo ku saabsan in xafiiskii taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOM), loo badalay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, United Nations Support Office for Somalia (UNSOS).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here