Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlada soomaliya Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay soo dhaweynayso xafiiska cusub ee qaramada Midoobe
Wasiir Maareeye ayaa Tilmaamay in xukuumada soomaliya ay aad u soo dhaweynayso is badalka lagu sameeyay xafiiskii qaramada ee ku Yaalay Magaalada Muqdisho kaasi oo loo badalay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in Tani ay adkeenayso xiriirka u dhaxeeya dowlada soomaliya iyo qaramada Midoobe.
Golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2245, kaasi oo ku saabsan in xafiiskii taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOM), loo badalay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, United Nations Support Office for Somalia (UNSOS).

