ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobe u fadhiya dalka Ruushka Peter Ilichev ayaa sheegay in dowlada Ruushka ay ka walaacsantahy weerarada Al-shabab ee kawadaan dalka soomaaliya.
Peter Ilichev waxaa uu sidoo kale sheegay in hadii larabo in laga adkaado Alshabab la xoojiyo howl-galka nabad ilaalinta ee AMISIOM.
“Waxaa loo baahan yahay in la taageero howl-galka midowga afrika ee kasocda dalka soomaaliya taasi waxa ay sahli doontaa in ay fududaato dagaalka lagula jiro argagaxisada sidaa waxaa yiri ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobe u fadhiya dalka Ruushka Peter Ilichev”.
Mr Peter Ilichev ayaa hadalkaani ka sheegay kulan ay lahaayeen qaramada midoobe oo ka dhacay magaalada newyork ee xarunta qaramada midoobe ee dalka mareykanka.
Al-shabab ayaa dowladaha caalamka waxaa ay u arkaan Qatar xoogleh oo ka jirta dalka soomaaliya iyo dowladaha gobolka.

