Wasaarada Dastuurka dowlada soomaliya ayaa sheegtay In meel wanaagsan ay marayaan Howlaha dib u eegista Dastuurka dalka soomaliya
Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wasaaradiisa ay meel wanaagsan wax u marayaan dhawaana lasoo gaba-gabeyn doono Howlaha dib u eegista Dastuurta dalka soomaliya,
Mudane Xuseen Maxamuud sheikh xuseen ayaa Tilmaamay Guddiga Maxada banaan ee dib u eegista dastuurka ay soo gudbiyeen cutubyo ka tirsan dastuurka kuwaasi oo kala ah koowaad iyo afaraad oo ay turxaan bixin ku soo sameeyeen isagoona sheegay in 30Maarso gabi-ahaanba lasoo gaba-gabeyn doono Howlaha dastuurka soomaliya.
Shalay ayay aheyd aheyd Markii Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari uu Guddiga ka codsaday in lasoo gaba-gabeeyo Howlaha dib u eegista dastuurka dalka soomaliya.

