Maamulka Puntland oo ka digay Duufaan Mar kale  kusoo Wajahan Xeebaha deeganada Puntland

0

Wasiir ku-xigeenka arimaha Gudaha Maamulka Puntland Cabdulaahi Xaaji Qoobdeero oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in xeebaha deeganada Maamulka Puntland maalinta bari ah ay kusoo wajahan tahay duufaanta la yiraahdo MEGH

Gobalada ay wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Puntland ay sii  saadaalisay in ay ku dhufan doonto duufaanta MEGH waxaa kamid ah Gobaladda Sanaag, Bari iyo Gobolka Nugaal

Dhanka kala wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa digniino u dirtay dhamaan dadka ku nool deegaanada Maamulka Puntland iyadoona u sheegtay In ay ka fogaadaan xeebaha iyo meelaha godan.

wasiirka arimaha Gudaha Maamulka Puntland Qoobdeero waxa uu sheegay duufaanta oo dhanka cirka  ka imaanaysa ay beriga Puntland soo gaarayso 8-ba bishaan, taasoo looga cabsi qabo inay waxyeelo faro badan keento,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here