Wasiir ku-xigeenka arimaha Gudaha Maamulka Puntland Cabdulaahi Xaaji Qoobdeero oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in xeebaha deeganada Maamulka Puntland maalinta bari ah ay kusoo wajahan tahay duufaanta la yiraahdo MEGH
Gobalada ay wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Puntland ay sii saadaalisay in ay ku dhufan doonto duufaanta MEGH waxaa kamid ah Gobaladda Sanaag, Bari iyo Gobolka Nugaal
Dhanka kala wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa digniino u dirtay dhamaan dadka ku nool deegaanada Maamulka Puntland iyadoona u sheegtay In ay ka fogaadaan xeebaha iyo meelaha godan.
wasiirka arimaha Gudaha Maamulka Puntland Qoobdeero waxa uu sheegay duufaanta oo dhanka cirka ka imaanaysa ay beriga Puntland soo gaarayso 8-ba bishaan, taasoo looga cabsi qabo inay waxyeelo faro badan keento,
