Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in aanu hadda diyaar u ahayn in wadahadal lala furo dowladda Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay Muqdisho inay faragelin iyo xadgudub ku hayso madaxbannaanida dhuleed ee Somaliland.
“Soomaaliya wadahadal lama yeelan karto Somaliland, iyada oo qayb Somaliland ka mid ah goynaysa oo ka samaynaysa maamul gaar ah” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro oo u waramay Blooberg. “Waxaanu nahay qaran nabada jecel, lakiin Somaliland way awooda in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.”
Hadalkan waxa uu imanayo xilli xiisado siyaasadeed oo is-daba joog ah ay ka dhex taagan yihiin labada dhinac, iyada oo Somaliland ay ka cadhootay taageerada ay Muqdisho u muujisay maamulka SSC Khaatumo, ee laga dhisayo magaalada Laascaanood oo ay Somaliland hore uga talin jirtay.
Somaliland ayaa dhismaha maamulka SSC Khaatumo u aragta xadgudub lagula kacay madaxbaanideeda dhuleed, madaama gobolka Sool uu ku jiro xuduudiihii Ingiriiska. Somaliland waxay sheegtay in bilowgii wadahadalada lagu heshiiyay in aan la is farogalin, oo loo wada hadlo sidii laba dhinac oo siman taasina ay hada meesha ka baxday.

