Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay guud ahaan gacan ku heynta degmadda Beledxaawo ee Gobolka Gedo kadib maalmo ay dagaalo ka socdeen deegaanadaan Xaduuda ku yaala.
Xarunta degmada, saldhigga booliska iyo xarunta Imagrationka waxaa heysta ciidanka uu hoggaaminayo Abdirashid Janan.
Ciidankii Jubaland ayaa lagu soo warramayaa iney u baxsadeen dhanka xadka, iyadoo caawa xaaladda magaalada ay tahay mid dagan.
Isgaarsiintii ayaa dib hawada ugu soo laabatau, waxaana si tartiib tartiib ah usoo laabanaya noloshii caadiga eheyd ee magaalada.

