Puntland oo ku eedeysay Putland oo Sheegtay in hay’adaha QM ay diideen Xisaab-xirka Mashaariicdooda

0

Puntland ayaa ku eedeysay hay’adaha Qaramada Midoobay ee xafiisyada ku leh deegaannada Puntland in ay diideen inay soo gudbiyaan xisaab-xirka sanadlaha ah ee mashaariicda ay ka fuliyaan degaanadeeda.

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay inay Hantidhowrka Guud ee Puntland ka heleen warbixin muujinaysay in siddeed hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo kasoo jawaabay qoraal loo diray aysan soo gudbin xisaab-xirka mashaariic ku kacaya $123.5 milyan oo la fuliyay sannadkii hore ee 2024

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, oo ka tirsan guddiga Maaliyadda, ayaa sheegay in hay’aduhu waajib ku tahay inay si sanadle ah u soo gudbiyaan miisaaniyadooda iyo xisaab-xirkooda si loo helo isla xisaabtan iyo hufnaan. Waxa uu xusay in 20 sano ay ku qaadatay Puntland in hay’aduhu ugu yaraan u soo gudbiyaan hantidhowrka miisaaniyadda mashaariicda ay Puntland ka fuliyaan sannad kasta.

“20 sano ayay nagu qaadatay in hay’aduhu noo soo gudbiyaan miisaaniyadda mashaariicda ay Puntland ka fulinayaan. Waxaa muuqata in 20 sano oo kale ay nagu qaadan doonto in ay noo soo gudbiyaan xisaab-xirka rasmiga ah ee mashaariicdaasi,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here