Puntland oo Qabatay Madaxii Maaliyadda Dagaalyahanada Daacish

0

Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Madaxii Maaliyadda Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac).

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay qabashada Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac).

 

Dowladda Puntland waxay sheegtay in horjooge, Abdiweli Walalac lagu qabtay hawlgal qorshayaan oo ka dhacay degaanka Laag ee degmada Xumbeys, kaasi oo ay faliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Mareykanka oo taageero ka helaya Hawlgalka Calmiskaad.

 

“Waxaa laqabtay Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) Madaxii maaliyadda ahaana wakiilka Ajaanibta Argagixisada  Daacish iyo labo xubnood oo kale, hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbeys, waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.”

 

“Hawlgalka Calmiskaad ayaa maraya meel gebogebo ah, waxaana socda ugaarsiga  firxadka Argagixisada iyo Horjoogeyaashoodii ka cararay Calmiskaad” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Calmiskaad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here