Dowladda Soomaaliya oo bDFS oo Beenisay in Dowladda Qatar ay dhex dhexaadinayso Somaalia iyo Somaliland

0

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa beeniyay warar sheegaya in dowladda Qatar ay ka shaqeynayso dhexdhexaadin u dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wasiirku wuxuu xusay in Somaliland ay weligeed ahayd qeyb ka mid ah dalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin baahi loo qabo dhexdhexaadin dibadeed oo u dhexeeya laba dhinac oo Soomaali ah.

“Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya. Istaraatiijiyaddeennu waxay tahay in khilaafaadka gudaha lagu xalliyo hannaan dastuuri ah oo dhexdeena ah. Haddii saaxiib dibadeed uu doonayo inuu naga taageero arrintaas, waan soo dhoweynaynaa, balse ma aqbaleyno in loo eego sidii laba dhinac oo kala madaxbannaan oo u baahan dhexdhexaadin caalami ah,” ayuu yiri Cali Balcad.

Hadalkaan ayaa ka sheegay wasiiru dowluhu mar uu la hadlayay warbaahinta The New Arab intii lagu guda jiray booqashadiisa labo maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Doha ee dalka Qatar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here