DFS oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Baladxaawo

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ee dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa si weyn loogu eedeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu amray dagaalka maanta lagu qaaday ciidamada amaanka dowladda Fedaraalka ee ku sugan xerada ciidanka ee loo yaqaano xero UK.

“Weerarkaan wuxuu sababay in naftooda ay si mcino darro ah ku waayaan muwadiniin Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo iney meel uga soo wada jeestan kana digtoonaadaan falalka Axmed Madoobe oo isku dayaya in uu balaariyo danbiyada uu faraha kula jiro” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in lala xisaabtami doono dadkii ku lugta lahaa dagaalka ciidamada Jubbaland maanta ku qaadeen xero UK oo saldhig u ah ciidamada Federaalka ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan oo halkaasi gaaray 22-kii bishaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here