Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, s/gaas Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Masar, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas, taliyaha guud ee ciidanka s/guud Mohamud Hijaali iyo saraaakiil sare oo ka tirsan ciidanka dalkaas.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalkaas, wuxuuna tilmaamay in booqashadaani ay sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan.
Labada Mas’uul ayaa kawada Hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dalalka Masar iyo Soomalida iyo sidii dowlada Masar ay ugu qeyb qaadan laheyd dib udhiska ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed madaama dalka Masar uu kamid yahay dalalka ku hormarsan dhanka ciidanka.
Ugu Horeyntii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, s/gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa sheegay in dalalka Masar iyo soomaliya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah isla markaan dalka Masar uu kamid yahay dalalka inta badan soomaliya ka caawiya dhanka ciidanka.
Dhanka kale Taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Masar, s/guud Mohamud Hijaali, ayaa sheegay in Masar si buuxda u garb taagan tahay dib-u- dhiska ciidanka xoogga, ayna ku bixin doonan maskax iyo maal.




