Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo La Kulmay Taliyaha Guud ee Ciidanka Masar+Sawiro

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, s/gaas Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Masar, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas, taliyaha guud ee ciidanka  s/guud Mohamud Hijaali iyo saraaakiil sare oo ka tirsan ciidanka dalkaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ugu horeyn  salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalkaas, wuxuuna  tilmaamay  in booqashadaani ay sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan.

Labada Mas’uul  ayaa kawada Hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dalalka Masar iyo Soomalida iyo sidii dowlada Masar ay ugu  qeyb qaadan laheyd dib udhiska ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed madaama dalka Masar uu kamid yahay dalalka ku hormarsan dhanka ciidanka.

Ugu Horeyntii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, s/gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa sheegay in dalalka Masar iyo soomaliya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah isla markaan dalka Masar uu kamid yahay dalalka inta badan soomaliya ka caawiya dhanka ciidanka.

Dhanka kale Taliyaha guud ee ciidanka  xoogga dalka Masar, s/guud Mohamud Hijaali, ayaa sheegay in Masar si buuxda u garb taagan tahay dib-u- dhiska ciidanka xoogga, ayna ku bixin doonan maskax iyo maal.

 

DSC02231 DSC02244 DSC02270-1 DSC02276

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here