Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya ayaa ka Hadlay weerarkii Hobiyaasha ee Maanta lagu garaacay degmooyinka warta-nabada iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Ku simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye, oo booqday mid kamid ah goobaha ay ku dhaceen madaafiicda ayaa tacsi u direy ehelada dadkii ku waxyeeloobay Madaafiicda isagoona sheegay in laamaha amaanka Gobolka Banaadir ay si deg deg ugu jawaabi doonaan madaafiicda ku soo laab-laabtay degmooyinka warta-nabada iyo Howlwadaag.
Maxamed Axmed Diiriye oo warbaahinta kula Hadlay qaar kamid goobaha ay madaafiic ku dhaceen ayaa sheegay in laamaha amaanka Gobolka Banaadir ay si deg deg kaga jawaabi doonaan ayna gacanta kusoo dhigi doonaan kooxaha caadeystay in madaafiic ay kusoo tuuraan degmooyin ka ak dhow xarunta Madaxtooyada.
”Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu si deg deg ah ugu jawaabi doonaa falkaan kusoo laab-laabtay degmooyinka warta-nabada iyo Howlwadaag gacanta ayaa lagu soo dhigi doonaa dadka caadeystay arintaas ayuu yiri Ku simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye,

