Laacibka Alex Teixeira ayaa wali la aamisan yahay in u jecel yahay in uu maalin un u ciyaari kooxda Liverpool ee Horyaalka dalka ingiriiska ka ciyaarta.
Xidiga kooxda Fenerbahce’ Josef De Souza oo Alex Teixeira ay kasoo wada ciyaareen kooxda Vasco Da Gama, ayaa xaqiijiyay in uu xidiga xiiseenayo u ciyaarista kooxda Liverpool ee Horyaalka dalka Ingiriiska.
26-jirkaan ayaa ku sigtay usoo dhaqaaqista kooxda Liverpool laakin wada-hadalka oo xumaaday ayaa keentay In laacibka reer Brazil oo Shakhtar Donetsk ka Tirsanaa oo u dhaqaaqo mid kamid ah kooxaha Horyaalka dalka shiinaha.

