Yoweri Museveni, ayaa ku guuleystay doorashada Madaxtinimo ee dalka Uganda kadib markii la Tiriyay cododka ay dhiibteen dadka reer Uganda.
Madaxweynaha dib loo doortay ee Yoweri Museveni oo 71-jir ah ayaa xilka Madaxtinimo ee dalka Uganda hayay muddo gaareysa 30-sano wuxuuna cododkii la tiriyay uu helay boqolkiiba 60-% sida ay ku dhawaaqeen guddiga Tirinta cododka doorashooyinka Uganda.
Yoweri Museveni oo xilka Madaxweynha Uganda la wareegay sanadkii 1986-ka ayaa ku guuleystay xilka Madaxtinimo ee dalka Uganda markii 5-aad wuxuuna Talada dalkaas uu heyn doonaan 5-sano ee soo socota.
Hogaamiyii la Tartamaayay ee Kizza Besigye oo 59-sano jir ah ayaa helay codod gaaraya 30% waxaa xabsiga la dhigay ka hor inta aysan bilaabanin cod bixinta doorashada dalka Uganda oo bilaababay Labo Maalin ka Hor.

