Dowlada Soomaliya oo Safaarada Kenya ku Wareejisay Muwaadin Kenyaan ahaa

0

Dowlada dhexe ee Soomaliya iyo  Dowlada Goboleedka Galmudug ayaa maanta si wadajir ah safaarada Kenya ee soomaliya ugu wareejiyay muwaadin kenyaan ahaa oo dhawaan laga soo furtay gacanta kooxaha burcad badeeda soomalida.

Munaasaba kooban ayaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Magaalada Muqdisho aadan cadde waxana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya, kuwa Maamulka Galmudug iyo Mas’uuliyiin ka socotay safaarada Kenya ee soomaliya.

Wasaaradda amniga Gudaha xukuumada soomaliya iyo wasaarada arimaha dibada ayaa ugu Mahadceliyay ciidamada Nabad sugida Galmudug qaabkey ugu guuleysteen soo furashada muwaadinkaan u dhashay dalka Kenya.

Mas’’uuliyiinta safaarada Kenya ee soomaliya ayaa kaga mahadceliyay dowlada soomaliya iyo maamulka Galmudug sida ay isugu howleen soo furashada muwaadinta u dhashay dalka Kenya ee mudooyinkii ugu dambeeyay lagu heystay deeganada Maamulka Galmudug.

James oo ah muwaadinka u dhashay dalka Kenya ee laga soo furtay burcad badeedda ayaa tilmaamay in 15 bilood ay afduub ahaan u heystaan kooxaha burcad badeedda, waxaana uu mahadcelin u jeediyay Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii ciidamada Nabad Sugida ay ku guuleysteen soo furashada muwaadintaan u dhashay dalka Kenya oo mudooyinkii ugu dambeeyay lagu heystay deeganada Galmudug.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here