Madaxweynaha Soomali-land oo Magacaabay Gudiga Ictiraafraadinta Soomali-land

0

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa maanta digreeto madaxwayne ku magacaabay laba gudi oo kala ah Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May iyo Guddida Ictiraaf Raadinta.

War-saxaafadeedadan ayaa iyagoo dhamaystiran uqornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3850/022016ku Magacaabay guddi qaran oo u xilsaaran qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 25aad ee ka soo wareegtay Maalinta Qarannimada Somaliland.

Direetada Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida heer qaran waxay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo:       Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda

25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.

Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Xubnaha GuddidaAgaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

 

1.         Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                Guddoomiye

2.         Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                           Guddoomiye Ku-xigeen

3.         Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                                                                 Xubin

4.         Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka                              Xubin

5.         Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta                                               Xubin

6.         Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada                                                     Xubin

7.         Maayarka Caasimadda Hargeysa                                                                            Xubin

8.         La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka                                            Xubin

9.         Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada)             Xoghaye

10.       Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada)      Xubin

11.       Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF)                                                          Xubin
12.       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF)                                                            Xubin

13.       Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD)                                                  Xubin

14.       Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO)                                                                     Xubin

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta  ayaa u dhignayd sidan:-

Ujeeddo:       Magacaabid Guddi

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

1.       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Sacad Ali Shire               Guddoomiye

2.       Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi

3.       La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

4.       La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdoo Axmed Aayar

5.       Wakiilka Wareega ee Somaliland                         Mudane, Raabi Axmed Mohamed

6.       Wakiilka Somaliland ee Turkiga                                        Mudane, Cali Axmed Cismaan

7.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                        Marwo, Edna Aadan Ismaaciil

8.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                        Prof. Maxamed Siciid Gees

9.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                       Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

10.   Wasiir Hore, Kalluumaysiga                                            Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

11.   Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud                              Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

12.   Professor, Macalester College, Minnesota                       Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

13.   Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa       Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax

14.   Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah                              Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac

15.   Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada        Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe

16.   Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida         Mudane, Axmed Daahir Jirde

17.   Guddoomiyaha Xisbiga UCID                                         Eng. Faysal Cali Waraabe

18.   Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani                         Aqoonyahan C/raxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here