Yoweri Museveni oo ku Guuleystay Doorashada Madaxtinimo ee dalka Uganda

0

Yoweri Museveni, ayaa ku guuleystay doorashada Madaxtinimo ee dalka Uganda kadib markii la Tiriyay cododka ay dhiibteen dadka reer Uganda.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Yoweri Museveni oo 71-jir ah ayaa xilka Madaxtinimo ee dalka Uganda hayay muddo gaareysa 30-sano wuxuuna cododkii la tiriyay uu helay  boqolkiiba 60-% sida ay ku dhawaaqeen guddiga Tirinta cododka doorashooyinka Uganda.

Yoweri Museveni oo xilka Madaxweynha Uganda la wareegay sanadkii 1986-ka ayaa ku guuleystay xilka Madaxtinimo ee dalka Uganda  markii 5-aad  wuxuuna Talada dalkaas uu heyn doonaan 5-sano ee soo socota.

Hogaamiyii la Tartamaayay ee Kizza Besigye oo 59-sano jir ah ayaa helay codod gaaraya 30% waxaa xabsiga la dhigay ka hor inta aysan bilaabanin cod bixinta doorashada dalka Uganda oo bilaababay Labo Maalin ka Hor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here