Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay golihiisa wasiirrada, waxaana la shaaciyay magacyada wasiirrada loo kala magacaabay 21 wasaaradood.
Dikreetada lagu magacaabay wasiirrada cusub ee Puntland waxaa warbaahinta u akhriyey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani, liiskaan kuma jiraan wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal,kuwaasi oo dib loo dhigay magacaabistoosa.
Halkaan Hoose ka Akhriso magacayadda Wasiiradda la magacaabay.
- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ayaa mar kale loo magacaanay Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo hore xilkan u hayay.
- Wasiirka Amniga iyo DDR-ta ayaa mar kale loo magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin oo hore xilkan u hayay.
- Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Siciid Juxa oo isna hore xilkan u hayay.
- Wasiirka Maaliyadda ayaa loo magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud oo hore uga soo shaqeeyay Nidaamka Maaliyadda Puntland.
- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa loo magacaabay Daa’uud Maxamed Cumar
- Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Fu’aad Abshir Axmed Adeer.
- Wasiirka Caafimaadka ayaa loo magacaabay Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel).
- Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka ayaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac.
- Wasiirka Wasaaradda Dekedaha ayaa loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed.
- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Bile Nuur.
- Wasiirka Haweenka ayaa loo magacaabay marwo Maryan Axmed Cali.
- Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir.
- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Axmed Shire Siciid.
- Wasiirka Xannaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux.
- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.
- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.
- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa.
- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa loo magacaabay Liibaan Muuse Cismaan
- Wasiirka Gargaarka ayaa loo magacaabay Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
- Wasiirka Beeraha ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiqaadir Saalax.
- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa loo magacaabay Hodon Siciid Xasan.

